Habraaca xayiraadda iyo la wareegidda hantida lala xiriiriyo argagixisada.
Wada shaqeynta hey’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee la dagaalanka argagixisada.
Waajibaadka uu sharcigan ku soo rogayo muwaadinka.
Ciladaha ku jira sharcigan, iyo talo soojeedino la xariira dib u eegista sharcigan.
Sharcigaan ayaa ah mid ahmiyad gooni ah leh, waxa uuna saameyn taban iyo mid togan ku leeyahay nolosha muwaaddinka Soomaaliyeed, waxaana jira walal badan oo ku aadan suurtagalnimada in ay dhacaan xadgudubyo ka dhan ah xaquuqda aadana oo ka dhasha dhaqangelinta sharciga.
Faallo sharciyeedkan waxay fure u noqon karta doodaha la xiriira la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, iyo ilaalinta xaquuqda eedeysanaha Soomaaliyeed, iyo in caddaalad dhab ah in ay helaan eedanayaasha loo heysto dacwadaha argagixisada.
Falanqeynta Sharciga La Dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya
Falanqeynta Sharciga La Dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya
Muqdisho, 20 Maarso 2026 –Faallada sharciyeed ee Sharciga La Dagaalanka Argagixisada ee dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay si qoto dheer u faaqideysaa qodobada ugu waaweyn ee sharciga, ujeedada, ciladaha, iyo caqabada ku xeeran dhaqangelinta sharcigan, waxayna soo jeedineysaa talooyin ay tahay in la tixgeliyo dib u eegista sharcigan.
Asalka iyo ujeedada sharciga summaddiisa tahay LR 007, waa ka hortagga, iyo ciribtirka falalka argagixisada. Sharcigan ayuu madaxweynaha Soomaaliya saxiixay 20-kii Maarso 2023, kadib markii uu helay ansixinta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, oo ay u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha. sharcigan ayaa la ansixiyay iyada oo ay Soomaaliya dagaal muddo dheer kula jirto kooxo argagixiso.
Faalladaan ayaan taabaneysa dhinacyada:
Sharcigaan ayaa ah mid ahmiyad gooni ah leh, waxa uuna saameyn taban iyo mid togan ku leeyahay nolosha muwaaddinka Soomaaliyeed, waxaana jira walal badan oo ku aadan suurtagalnimada in ay dhacaan xadgudubyo ka dhan ah xaquuqda aadana oo ka dhasha dhaqangelinta sharciga.
Faallo sharciyeedkan waxay fure u noqon karta doodaha la xiriira la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya, iyo ilaalinta xaquuqda eedeysanaha Soomaaliyeed, iyo in caddaalad dhab ah in ay helaan eedanayaasha loo heysto dacwadaha argagixisada.
Haddaba halkaan ka akhriso faallada oo dhameystiran
Faall Sharciga La dagaalanka Argagixisada
latest update
News & Updates
SOMALIA’S POLITICAL CRISIS DEMANDS DIALOGUE, NOT FORCE
Somalia Must Shape a Future at Peace — Starting With Freedom of Expression
Somalia’s Constitutional Milestone: Understanding the 2026 Revised Constitution