Mogadishu, Soomaaliya, 27-11-2026: Falanqeynta Miisaaniyadda 2027, oo dhan $1,259.2 milyan ayna ansixiyeen Golaha Wasiirradu, haddana hor-taalla Baarlamaanka, ayaa waxaa ka muuqda hoos u dhac dhan 9%, iyadoo ay hoos u dhacday taageerada miisaaniyadeed ee ay bahwadaagga caalamiga ah siin jireen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sannad-miisaaniyadeedka 2027 ayaa ku soo aadaya xilli la xiray xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ay hoos u dhacday taageerada maaliyadeed ee hawlgalka nabad-ilaalinta ee Soomaaliya, dalku uu gelayo doorasho iyo kala-wareeg siyaasadeed, isla markaana maalgelinta hawlgalka amniga dalku ay ku soo wareegayso gacmaha dowladda Soomaaliya.
Miisaaniyadda 2027, dakhliga gudaha ee la saadaaliyay wuxuu 5.9% ka hooseeyaa kii sannadkii 2026. 61% miisaaniyadda dalka ayaa ku tiirsan taageerada caalamka, halka dakhliga gudaha ka soo xarooda uu bixiyo 78% kharashaadka joogtada ah ee dowladda.
Ka akhriso halkaan faallada miisaaniyadda 2027: Miinsaaniyadda Soomaaliya 2027 dc

