Falanqayn ku Saabsan Nuqulka cusub ee Dib-u-Eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Muddo ku dhow 14 sano oo dadaal iyo wada-tashi ah kadib, hannaanka dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya ayaa gaaray heer gabagabo ah. Bishii Maarso 2026, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saxiixay nuqulka cusub ee dastuurka, kaddib ansixinta goloyaasha Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay falcelinno kala duwan oo ka imanaya qaybaha kala duwan ee bulshada iyo daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya.
Hadaba innaga oo ka duuleyna aragtida kala duwan ee ku aadan dastuurka ayaan waxaan dib u eegis iyo isbarbardhig ku sameynay dastuurkii 2012 iyo noqulka cusub ee dib u eegista kasoo baxay, waxaan halkaan idin kugu soo gudbineynaa faalo soo koobaysa farqiga iyo wax ku cusub nuqulka cusub ee dastuurka.
Faalladan ay soo saartay Independence House waxay bixinaysaa akhrin iyo falanqayn qoto dheer oo ku saabsan dastuurka la meelmariyey, iyadoo isbarbardhig lagu sameeyay dastuurkii ku meel gaarka ahaa ee 2012 iyo nuqulka cusub. Warbixintu waxay si nidaamsan u eegaysaa isbeddellada lagu sameeyay cutubyada iyo qodobada muhiimka ah, gaar ahaan kuwa saameynta ku leh qaab-dhismeedka dowladeed, nidaamka federaalka, iyo xiriirka u dhexeeya.
Independence House, waxay rumeysan tahay in faalladan ay noqon karto il muhiim ah oo hagitaan u ah daneeyayaasha dastuurka, sharciyaqaannada, aqoonyahannada iyo muwaadiniinta doonaya inay faham dhammaystiran ka helaan nuqulka cusub ee dastuurka.

Ka akhriso halkaan faalada oo dhammeystiran. DIB U EEGISTA DASTUURKA
latest update
News & Updates
Falanqayn ku Saabsan Nuqulka cusub ee Dib-u-Eegista Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Somalia’s Historic Elections Were Legally Validated — But the Civic Crisis Demands Urgent Action
Falanqeynta Sharciga La Dagaalanka Argagixisada ee Soomaaliya